WAXYAABAHA DIB U DHIGAY HORUMARKA SOOMAALIYA Featured

Waxay ila tahay waxyaabaha dib u dhigay horumarka waddanka Soomaaliya waxaa ka mid ah arrimaha hoose ku qoran :* •    Dowlad awoodeeda iyo waxqabadkeeda yaryahay* •    Caddaalad darro baahsan iyo garsoor tayo lahayn oo laalush u nool ah


* •    Xasilooni darrida ama degganaasho la’aanta siyaasadda
* •    Nabad-galyo xumo & xasilooni/amni darro
* •    Guud ahaan maamulka iyo maaraynta hay’adaha oo aan tayo lahayn
* •    Faragalin dowlado shisheeye iyo hayado caalimi ah
* •    Qabyaaladda, eexda, qaraabo kiil, faquuqa, isir-naceeb, iyo cunsiriyadda
* •    Danta guud oo laga hormariyo danta gaarka ah iyo daacadnimada oo yaraatahay
* •    Musuq-maasuq/dhaca iyo boobka hantida ummadda
* •    Adeegga guud ee bulshada (Waxbarashada, caafimaadka, biyaha, tamarta, isgaarsiinta) oo tabaalaysan
* •    Hirgelin iyo adkayn la’aanta shariciga iyo kala dambaynta
* •    Howl-wadeenada dowladda  oo aan lahayn aqoon iyo waayo-aragnimo, kuwaas oo lagu meeleeyay qabiil, qaraabannimo, ama laaluush
* •    Xaalufka/nabaad guurka iyo fasaqaadka deegaanka (Environment pollution)
* •    Dhacdooyinka dhabicga, sida fataxaadda, abaarta, macluusha, cudurrada, roobka mahiigaanka, iwm oo aan ka hortag ama maarayn wanaagsan lahayn
* •    Dagaallada kala duwan oo joogtada ah (Beeleed, diimeed, siyaasadeed, dhuleed, dhaqaaleed, iwm)
* •    Shaqo la’aan oo baahsan iyo wax-soosaarka oo yar
* •    Khayraadka waddanka oo aan laga faai’daysanin
* •    Wada shaqayn liidato dowlada dhexe, maamul gobolyada iyo hayadaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn
* •    Isticmaalka tiknoolijiga casriga oo aad u yar
* •    Shilinka Soomaaliga oo la bahdilay iyo isticmaalka lacagaha shisheeye iyo sicir bararka oo aad u sareeyo.

“Ummad Waliba Aayaheeda In Ay Garato Iyadaa Leh”