Golaha Shacabka Barlamaanka Federalka Soomaaliya Featured

Golaha Shacabka Barlamaanka Federalka Soomaaliya wuxuu ka koobanyahay 275 xildhibaan oo ay kamid yihiin madaxweyneyaashii 9aad =276 ee JFS oo la dhaariyay si waafaqsan Dastuurka.

Tirada guud ee  xildhibaanada waxaa dumar ah 54 (19.7%) xildhibaan halka 220(80.3%) ay Rag yihiin.

Xildhibaanada ku cusub barlamanka 11-aad tiradooda waa 171 xildhibaan (62%) halka xildhibanada kamid noqday goloyashi hore ay yihiin 103 xildhibaan (38%).

Xildhibanaada barlamanka 11aad waxaa heysta dhalashada Soomaaliya oo kaliya 168 xildhibaan (61.3%) halka xildhibanada heysta dhalashooyinka kale ay yihiin 107 xildhibaan (38.9%).

Qaarada Yurub xildhibanada dhalashada ka heysta tiro ahaan waa 36 xildhibaan oo u dhiganta (13%).

Qaarada waqooyiga America xildhibanada dhalashada ka heysta tiradooda waa 40 xildhibaan oo dhiganta (14.5%).

Wadamada jaarka ah oo ay ku jirto Uganda waxaa dhalasho ka heysta 27 xildhibaan oo u dhiganta(9.8%).

Wadamada Australia iyo Newzealand ayaa ah meelaha ugu yar oo ay dhalasho ka heystaan xildhibanada tiradoodu waa 4 xildhibaan.

Xogtaan waxaa diyaariyay xafiiska Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS.