hantida, xasilloonida, dawladnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kalena, laga anbaqaadayo in hannaanka dawladnimada Soomaaliya ku salaysnaado sarreynta sharciga, ilaalinta xuquuqda iyo xorriyaadka asaasiga ah; ayaa waxaa lama huraan noqday in la soo saaro sharci ujeeddadiisu tahay:
a. La-dagaallanka,kahortaggaiyociribtirkahawlahaargagaxisanimo; b. Xakamaynta fal-dembiyeedka ka dhasha argagixisanimada; iyo
c. In argagixisada caddaaladda la horkeeno, si waafaqsan sharciga.
Qodobka 2aad: Awoodda Sharcigan
* 1) Sharcigan waxaa lagu dabbaqayaa dhammaan hawlaha iyo fal- dembiyeedyada argagixisada ah.
* 2) Arrimaha aan Sharcigan lagu xusin waxaa loogu noqonayaa Xeerarka Ciqaabta, Sharciga ka Hortagga Lacag Dhaqidda iyo Maalgelinta Argagixisada iyo qawaaniinta kale ee khuseeya arrimahaan ee dalka.
* 3) Sharcigan wuxuu ka dhaqangalayaa dhammaan Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.
* 4) Qodobbada Sharcigan ayaa lagu dhaqayaa qof kasta oo gala fal- argagixisanimo, kana dhaca dalka Soomaaliya dibaddiisa; haddi la helo xaaladaha soo socda:
HOOSE KA DEGSO NAQUULKA (DOWNLOAD THE FILE BELOW)
SHARCIGA LA-DAGAALLANKA ARGAGIXISADA Featured
1. Sharcigan waxaa lagu magacaabaa: “Sharciga La-dagaallanka Argagixisada”.
2. Ayada oo laga anbaqaadayo, waxyeellada iyo dhibaatada aadka u baaxadda weyn ee ka dhashay falalka ay argagixisadu ku beegsatay diinta, dhiigga,
Download attachments:
- Hindisaha_La_Dagaalanka_Ar._Last__final..pdf (51 Downloads)
- Hindisaha_La_Dagaalanka_Ar._Last__final._1.pdf (38 Downloads)