Taariikhda Cabdullahi Macalin Maxamed Iyo Boonkaa Featured

Melbourne, 24/05/2023 (banooda)-Cabdullaahi Macalin Maxamed, wuxuu ku dhashay Degmada Buurhakaba, sannadkii 1932. Wuxuu ku koray kuna barbaaray Tuulo la yiraahdo Barkatle oo u dhow Degmada Buurhakaba.

Wuxuuna qur’aanka kariimka ah ku bartay tuulo la yiraahdo Fuudoore oo u dhow Barkatle. Wuxuuna ka akhristay axkaamta shareecada Islaamka tuulooyin ka tirsan Degmada Buurhakaba, Naxwa iyo Sarfi wuxuu ka akhristay Jannaale iyo Shalambood, wuxuu ka baxay dugsiga sare ee Machadka daraasaadka Islaamka ee Xamar sanadkii 1960, isla sanadkaas wuxuu noqday Bare ka tirsan bareyaasha wasaaradda waxbarashada iyo barbaarinta.

Sanadkii 1962 wuxuu ka baxay Machad Cilmu Ijtimaac ee Xamar, sanadkii 1978 wuxuu ka qalin jebiyey Kulliyadda Waxbarashada iyo barbaarinta (Lafoole) oo ka tirsan jaamacadda Ummadda. Sanadkii 1984 dhammaadkeeda waxaa loo doortay duqa Magaalada Baydhabo ilaa 1990.

Sannadkii 2000 wuxuu ka mid noqday dowladdii lagu soo dhisay Carta, wuxuuna noqday Wasiir ku xigeenka Wasaaradda garsoorka iyo Arrimaha Diint