magaceygaba, waxa aan halkaan hambalyo ugu dirayaa dhammaan xubnaha ka tirsan Golaha Samatabixinta Aw-Digil iyo dhammaan bulshoweynta aan metelno meelkaso oo ay joogaan, waxaan leeyahay sanadguuro wacan. Ujeedooyinkii loo aaasaasay Golaha Samatabixinta Aw-Digil waxa ay tahay in uu noqdo cod u ololeeya ama ka shaqeeya arimaha xuquuqda bani’aadamka, arimaha caddaaladda, maamulwanaagga iyo horumarinta ee bulshada Digil meel walbo oo ay ku noolyihiin dunida gaar ahaan Soomaaliya.
Marka hore, aniga oo oo ka faa’iideysanaayo fursaddaan waxaan halkaan kaga hadlayaa arimihii ugu dambeeyay ee ka soo cusboonaaday degmada Baraawe, ee caasimadda DGKGS. Waxaan camaabreyneyanaa dhibaatadii ka dhacday deegaankaas taariikhdu markay aheyd 12/06/2023 oo sababtay dhimasho iyo dhawacyo kala duwan. Waxaan kaloo cambaareyneynaa in dad odoyaal qaab masuuliyadd xummo ah iyo xilkasnimodarri ku jirto uga hadlay arimaha deegaanka Shabeelaha hoose. Baraawe waa caasimadda Dolwadgoboleedka KGS, waxaana masuulliyadeeda iyo maamulkeeda guud iska leh DGKGS iyo dadka deegaanka. Waxaan halkaan ku cadeneynaa in gobolka Shabeelaha Hoose in uu yahay deegaan qadiimi ah oo aan maanta la helin. Waxaan kaloo halkaan ku xuseynaa in dadka deegeenka aysan wax colaad ah aysan ka dhaxeynin iyo deriskoodaba. Dadka deegaanka iyo beelaha deriska ay yihiin dad beeraley, xoolo dhaqto iyo ganacsato oo markasta isu baahan. Laakiin waxaa jira dad aan deegaanka aheyn oo dhaqan ka dhigtay bood iyo dhac kuwaas oo ku hamiya maanta oo la joogo sanadka 2023 in ay sameeyaan khariidad cusub iyo isbaheysi qabyaalad ku dhisan. Arintaasina waa mid dadka deegaanka aysan marnaba aqbali doonin. Markastana dadka deegaanka waxa ay u taagnaan doonaan in ay difaacdaan sharaftooda, deegaankooda, beerahooda iyo dhulkooda. Waxaana ugu baaqaynaa dadka caqliga u saaxiibka ah in ay ka fogaadaan dadka fitnada wada iyo waxyaabaha laga xishooda ee ku dhisan jaahilnimo iyo diinxumo ay ka dhex wada bulshada dhexdeedda.
Hoose kala soo dag bayaanka:
BAYAAN KA SOO BAXAY GOLAHA SAMATABIXINTA AW-DIGIL Featured
Melbourne, 25/06/2023 (banooda)-Maanta oo ah 25 Juun 2023 waxa ay ku beegan sanadguuradii 4aad ee aasaaska Golaha Samatabixinta Aw-Digil. Aniga oo ah Mr. Ahmed Mohamed Luqmaan kuna hadlaaya marka hore kan magaca Gudoomiyaha Gudiga Saree e Golaha Samatabxinta Aw-Digil iyo
Download attachments:
- BAYAAN_KA_SOO_BAXAY_GOLAHA_SAMATABIXINTA_AW-DIGIL.pdf (79 Downloads)