Sida aan ka warqabno dagaalada sokeeye Somalia waxay dhibaato xoog leh u geesteen ummada Somalia, dhimasho, dhaawac, burbur hanti badan, barakac, iyo qaxootinimo. Dagaal hadii faaido leeyahay horey ayaa loo arkay.
Shirkaas waxaa lagu go’aansaday in baaq loo diro dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, siyaasiinta iyo musharaxiinta Koofur Galbeed:
1. In la tixgeliyo deganaashada, nabagelyada iyo xasiloonida degaanada Koofur Galbeed.
2. In wada hadal ama wada tashi la isugu yimaado miiska si loo xaliyo khilaafaadka jira.
3. Waxaan ku baaqaynaa in loo turo ummada ku nool degaanada Koofur Galbeed. Dagaal xal ma noqdo.
4. In garab buux laga siiyo dowlada la dagaalanka nabad diidka oo laga qayb qaato.
5. In dadwaynaha Somaalida oo ka soo jeeda Koofur Galbeed ku nool Australia in ay qayb libaax ka qaataan nabadaynta iyo horumarka Somalia, gaar ahaan Koofur Galbeed.
Mahadsanidiin!
BAAQ-Maamulka Dowlad Goboleedka, Siyaasiinta iyo Musharaxiinta Koofur Galbeed Featured
Melbourne, 21/09/2023 (BANOODA)-Shir soo agaasimay ururka Golaha Qoomiyada Somaalida (Somali Ethnic Communities Council lagu qabtay magaalada Melbourne, Australia 20/09/2023.
Shirka waxaa ka soo qayb galay guddiga maamulka jaaliyadda Somali-Australia Koofur Galbeed, aqoonyahanada iyo wax-garadka, waxaa loogu hadlay dhowr arrimood oo la xariira xaalada guud ee Koofur Galbeed Somalia.