Gunaanadkii shirkaas waxa uu Madaxwaynuhu ballan qaaday in talooyinkii aan soo gudbinnay lala wadaagi doono Baarlamaanka, sidoo kalena talada go’aannadan masiiriga ah ay qayb ka noqon doonaan dhammaan qaybaha kala duwan ee
bulshada sida; ( Culimada, Aqoonyahanada, Dhallinyarada, Haweenka iyo Ganacsatada) inta aan talo soo jeedinta GWQ loo gudbin Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Waxaa kale oo uu Madaxwaynuhu ballan qaaday in la isugu soo noqon doono shirar kale, lana ballaarin doono dadka ka qayb qaadanaya, lana gaarsiin doono wadatashiga arrimahan masiiriga ah dhammaan gobalada dalka inta aan loo gudbin Baarlamaanka ka hor.
Madaxwaynuhu waxa uu sidoo kale ballan qaaday in Dowlad-gobaleedka Puntland oo aan talasoojeedinta GWQ qayb ka ahayn, laga qayb gelin doono geeddi socodkan muhiimka ah inta aan loo gudbin Baarlamaanka si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dalka.
HOOSE KALA SOO DEG WAR MURTIYEEDKA: