Xilligii uu xukunka hayey wuxuu ahaa nin sida ay qaar ka mida bulshadii xilligaasi qireen ahaa qof ixtiraama dadka oo an awooddiisa cidna ku maquunin.
Jeella Qaasim Maxamed wuxuu ku dhashay degmada Xudur ee gobolka Bakool sanadkii 1956-dii halkaas ayuuna ku dhamaystay waxbarashadiisa hoose, dhexe iyo sare halka uu bartay siyaasada kuliyadii siyaasada ee Xalane.
Gobollada Hiiraan, Bakool iyo Nugaal ayuu masuul uga noqday Xisbigii hanti wadaaga kacaanka Soomaaliyeed.
Arrimaha xisbiga ayuu kaga soo shaqeeyey Tiyeeglow iyo Xuddur oo kacaanku u wakiishay isagoo sidoo kale masuul ka noqday sida uu sheegay caawintii dadka ka soo cararay colaadii dhexmartay Itoobiya iyo Soomaaliya oo xarumo looga dhisay Baladweyne.