Warsaxaafadeed: Arimaha Gobolka Shabeelaha Hoose Featured

Golaha Samatabixinta Aw-Digil waxa uu halkaan ku soo gudbinayaa mowqifkiisa iyoaragtidiisa ku aadan arimaha ku saabsan dhibaatooyinka ka soo cusboonaadayisbaarooyinka ee deegaanka Yaaqbariweyne ee degmada Wanalweyn. Gaar ahaanisbaarooyinka yaalada wadada isku xirta Baydhabo iyo Wanlaweyn. Qoraalka hoosewaxaan ku soo gudbiynaynaa mowqifka Golaha Samatabixinta Aw-Digil iyo xaaladdaGobolka Shabeelaha Hoose.

1. Goluhu waxa uu marka hore ku taageerayaa Dowlad Goboleedka KGS burburinta
isbaarooyinka laga unkay meelo badan oo ka tirsan deegaannada Shabeelaha
hoose iyo sugidda guud ahaan nabadgalyada deegaannada KGS.
2. Goluhu waxa uu halkaan ku cadaynayaa in dadka deggan Gobolka Shabeelaha
Hoose, gaar ahaan beel weynta Digil in ay taageersanyihiin Dowlad Goboleedka
KGS islamarkaasna dadka deegaanka ay ka tirsanyihiin Dowlad Goboleedka
Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hoose kala soo deg ward saxaafadeedka