WAR-MURTIYEED Featured

Anagoo ah Xildhibaanada Labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka soomaaliya ku matalaDowladda Jubaland ee ku saxiixan war murtiyeedkan kana jawaabayna casuumaaddii wadatashigaaheyd ee uu noogu yeeray Madaxweynaha Dowlada Jubaland Anagoo weli uu Caasimada kmg nooga socdo wada tashiyadii aan la yeelaneynay Dowladajubaland iyo Qeybaha Bulshada kuna hawlan xal u helida iyo isu soo dhaweynta kala aragtiduwanaanta Dowlada Jubaland iyo Dowlada Federalka: Wada tashigan oo aan Diirada ku saaray sidii xal waara loogu heli lahaa Xaaladaha Siyaasadeed eeDalka, kala Aragti Duwanaanta jubaland iyo Federalka, Amniga, Shuruucda iyo Xeerarka dowladdhiska Soomaaliya, Arimaha Bulshada iyo duruufaha ku xeeran:

Hadaba waxaa Nasiib daro iyo lama filaan ah in Anagoo weli ku hawlan xal u helida iyo isu soo
dhaweynta kala aragti duwanaanta iyo xalinta khilaafka u dhexeya Jubaland iyo Federalka in
Xukuumadda DFS iyo Gudoonka Labad Aqal ee sharci-dejinta ay qaadaan talaabooyin sharci daro
ah oo sii hurinaya khilaafka iyadoo ay waajib ku ahayd inay xalka qeyb ka noqdaan kana war
sugaan Natiijada wadashiga aan ku jiro:

Sidoo kake waxaa nasiib daro iyo kalsooni xumo ah in iyadoo ay weli caasimada kmg ee jubaland
ku sugn yihiin Ergo heer wasiiro ah oo Dowlada Federalku usoo dirtay inay xalka iyo isu soo
dhaweynta ka qeyb qaataan, welina wada hadalo la lahaa Dhigooda Dowlada jubaland in Dowlada
federalku ixtiraami waydo sugina weydo natiijada rasmiga ee kasoo baxda wada hadalka:


Xildhibaanada waxaa u muuqda Degdeg iyo isku dhex yaac maamul oo ka jira Hogaanka labada
Aqal ee Baarlamaanka Federalka iyo Xukuumada Federalka taasoo laga dheehan karo Soo gudbinta
sharci darada ah ee shuruucda xisbiyada iyo guddiyada doorashooyinka, Anagoo weli ku guda jira
wada-tashiga iyo xal u raadinta khilaafka iyo kala Aragti duwanaanta:

Ficiladan waxay calaamad muuqata u tahay in dowlada Federaalku iska indha tireyso xaqiiqda iyo
inaanay jirin cid ay ixtiraam u hayso kuna sifoowday oraahdeedii ahayd
(LOO JOOJIN MAAYO):

Hoose kala soo deg warmurtiyeedka