War Saxaafadeed Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed (KGS) Featured

Waxaa wadatashiyo u socday Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyaee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed (KGS), wadatashiyadaan waxa looga arrinsaday arrimahaSoomaaliya; gaar ahaan xaaladaha amniga iyo siyaasadda. Waxay xildhibaanada isku raaceen inaanshaki ka jirin in sharciyan Soomaaliya ay tahay Qaran caalamku aqoonsan yahay; xaqna u leh ilaalintamadaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed si waafaqsan Dastuurka Federaalka KMG ee dalka.

Sida aynu wada ognahay, dagaaladii sokeeye ee dalka waxaa ku burburey dhammaan hey'adihii dalka
uu lahaa, 20-kii ee la soo dhaafayna waxa la socdey dowlad-dhis ku salaysan nidaamka Federaalka
iyo siyaasad ku dhisan wadatashi, wada-ogol iyo isu-tanaasul. Marxaladaha cusub ee amniga,
siyaasadda iyo dowlad dhiska uu dalku hadda galay waxay abuureen xaalado kulansaday walaacyo
sabab u ah wadatashi la’aan iyo in hoggaanka Dalku uu qaadayo tallaabooyin badan iyo go’aano qar
iska tuur ah oo masiiri ah, kuwaasoo aanu u aragno iney yihiin kuwo halis ku keeni kara midnimada
Dalka, nolosha dadka, xasiloonida siyaasadda, amniga iyo dowlad dhiska maadaama aan lagu sameyn
wadatashi iyo wada lahaansho. Haddaba, xildhibaanaddu waxay qiimeeyeen xaaladaha hoos ku
xusan:

Hoos kala soo deg war saxaafadeedka