SHARCIGA KA HORTAGGA LACAG-DHAQIDDA IYO LADAGAALANKA MAALGASHIGA ARGAGIXISADA Featured

Haddii uusan Sharcigan si kale u qeexin,ereyadan hoos ku qoran, waxay leeyihiin micnaha soosocda:“Xisaab Banki” waxaa ka mid ah adeeg ama hab kasta oo cidda wax baareysa ay uadeegsato mid ka mid ah ama ka badan falalka hoos ku qoran:


1. Aqbala keydin lacag caddaan ah,
2. Oggolaada lacag ka saaris ama ku xawila ama ka xawila ,akoon
3. Ku bixiya jeegag, amarro lacag bixineed ay soo saartay ha’ad maaliyadeed qaata ama ku
bixya amarro lacag bixineed isagoo qof kale ka wakil ah,
4. Bixiya adeeg ama diyaariya hannaan lagu dhawro ama ku shuba sanduuq keydin muddo
xaddidan,
“Sitaha agab lagu gorgortamo” waa agab sarrifmi kara oo qofka sita loo aqoosan yahay milkile.
Sidaa darted, qof kasta oo sita agabkaa, uu iska gadi karo ama ku beddelan karo lacag caddaan
ah ama qiime kale.
“Milkilaha faa’idaya” waxaa loola jeedaa qofka ama qofka Qaanuuniga ah ama maamula
macmiil oo isagoo matalaya si kama dambeys u ah milkile ama leh, ku takrifalka dhaqdhaqaaqa
maaliyadeed. Waxaa kaloo ka mid ah dadka awoodda ku leh, shakhsi qaanuuni ah ama
maamulka sharciyeed.

“Faa’ido” waxaa loola jeedaa, dan kasta, wax kororsi, faa’iido, ama wax-bixin nooc kasta ah, iyo
faa’idada qofka uga imaaneysa ama ku helayo oo ay ku jiraan kuwo ay dad kale hagayaan,
waxna ku helayaan, hadduu qofkaa uu yahay qof kale uu maamulo ama hago,
“Hay’adda Awoodda u leh” waxaa loola jeedaa, hey’ad caam ah oo ka duwan kuwa iskood isu
abaabula, xilna ka saran yahay la dagaallanka lacag dhaqidda ama maalgelinta argagixisada.


Hoose ka la soo deg magaalka: