Nabad Kuwada Noolaanshiyaha Waa Muhiim Waxa Beesha Gaajeel Waddo waa Dhul Boob iyo Gardarro Garab Og Featured

Salaan ka dib,Mudaneyaal Dhaqanka Beelaha Haiye, Waxaan idin xusuusinayaaSoo yaal taarikheed (Gumeysiga ilaa Xurriyadda Dalka)Kahor soogelitaanka Dalka ee Gumeysiga, Soomaalida waxeey u kala degganeyd beelo. Beel kastana meel cayiman oo loo yaqaano ayeey degganeyd. Hasa ahaatee dhaqanka soo jireenka Soomaaliyeed wuxuu ku dhisnaa is kaalmeesy oo layska kaalmeeysanaayey mararka aay meelo abaaro ka dhacaan in dadkii abaarta ku dhacdey daaqsin u raadsadaan meeshii roob heshey. Iyo guud ahaanba dadka deggan meelaha aan daaq fiican lahayn inay

soo aadaan meelaha daaqa fiican leh. Waxaase dhici jirtey in dadkii naq iyo doog soo doontey ii dadkii marti geliyey iney isdagaalaan sababo kala duwan dartood oo u badnaa daaq iyo biyo, waxaana lagu xallin jirey xeer Soomaaliyeed soo jireen ahaa iyo Shareecada Islaamka.Beesha Gaaljeel deegaanka Daafeet wax deegaan ah kuma lahay, waxeey u imaan jireen daaqsin xilliyada roobka. Dhulka shanta Alemo iyo Garre wuxu fidsanyahay ilaa Gowni ii Goobaadin dhanka waqooyi Gaajeelna ma soo dhaafi jirin xadkaas marka laga reebo mar mar islaanimo iyo baniaadminimo  loogu oggolaannjirey daaq iyo. Hase ahaatee, iyagoo axsaankaas loo sameeynaayo ayey markasto dagaal hurin jireen. Gaaljeel iskama laha, Eeloow Waambata, Yaaq bariweyne, Leego ilaa Jameecada Dheenta iyo Qardho. Soomaalida waxeey tiraahdaa baadi kuugu raagtey inaad leefahay baad moodaa.

Markii gumeeysiga Taliyaaniga yimid dalka, waxaa bilowdey nidaam dowladnimo, in dhaqdhaaqa dadka iyo xoolahooda la xakameeyoo oo lala socdo. Sidaas darteed waxaan wada ognahay in beelaha qaar gaar ahaan Gaaljeel markeey Wanla weyn daaqsin u soo aadi jireen waxaa lagu soo dari jirey ama la soo raacin jirey askartii Munishiibiyada oo la dhi jirey “Ilaalo”. Ilaaladu waxeey Gudoomiyaha Wanle weyn u keeni jirtey warqad uu soo qorey Gudoomiyaha Gumeystaha degmada Beled weyn ama kan Buula Burte oo aay ku codsanayaan in loo oggolaado intaas tiro oo dad ah iyo xoolahooda, tusaale boqol qoys oo xoolo daaqsin usoo aadeyso degmada Wanle weyn, intaas bilood ayeey indinla joogi doonaan, wixii dhib ah aay geestaan annagaa ka masuul ahoo haallindoona. Iyaga iyo xoolahaooda u oggolaada biyo, baad iyo nabad. Kadib dagaalkii labaad adduungka, Qaramee Midoobey waxeey go’aan ku gaareen in Tliayaaniga uu Soomaaliya gaarsiiyo xurnimo dhammaytiran 10 sano gudahoodna ku gaarsiiyo.

Qore: Abdullahi M Nur

Hoose kala soo deg maqaaalka