WAR MURTIYEED KA SOO BAXAY BEESHA EELAY Featured

1. Marka hore waxaan ka tacsiyeynaynaa dhammaan ehelada dadkii ku geeriyooday ama ku dhaaawacmay xasillooni darrada ka aloosan degmada Baraawe ee caasimadda Dowlad Goboleedka Konfur Galbeed Soomaaliya. Beesha Eelay - Seddaxda genber iyo mashaa’ikhdooda waxay baaq u direysaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya – JFS, Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed iyo odayaasha dhaqanka ay khuseyso inay si deg deg ah isaga kaashadaan nabadaynta xiisada xasillooni darrada ka aloosantay degmada Baraawe.

 Bbfa2e6e 0264 4c1e B360 28c2698d34af

2. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee beesha Eelay seddaxda genber iyo mashaa’ikhdooda, odayaasha iyo waxgaradkooda maanta oo ay taariikhdu tahay 13/06/2023 kulan ku yeesheen guriga guddoomiyhii hore ee baarlamaanka JFS Prof. Mohamed Sheikh Osman Jawaari waxay mar kale sugeen in Sheikh Mustaf Ali Mohamed uu yahay Gobka/Malaaqa keliya ee tolwaynaha Eelay ay ayidsan yihiin inuu matalo guud ahaan Beesha Eelay seddaxda genber iyo mashaai’khdooda.

3. Maamulka Koonfur Galbeed waxaan ugu baaqaynaa in uu ka daayo faragelinta, dhibaatada iyo carqaladeynta uu ku haayo Beesha Eelay - seddaxda genber iyo mashaai’khdooda in ay aayahooda iyo masiirka beeshooda si madax bananna uga tashadaan. 4. Waxaan ugu baaqaynaa dadka ka midka ah beesha ee dhibaatada ku haayo in ay ka waantoobaan u horseedidda dhibaataynta Beesha Eelay.

Hoose kala soo deg naquulka